Taliyaha Ciidan-ku-sheegga Badda ee Itoobiya, Kindu Gezu, ayaa sheegay in dalkiisu uu si isa soo taraysa isugu muujinayo inuu yahay lammaane awood u leh inuu ka qayb qaato wadatashiyada la xiriira arrimaha badda ee heer gobol iyo mid qaaradeed.
Sida uu baahiyey warfidiyeenka Itoobiyaanka ah ee Fana Media Corporation, hadalkan ayuu taliyuhu ka jeediyey madal goboleed looga hadlayay arrimaha badda oo uu soo qaban-qaabiyey Taliska Guud ee waxa loogu yeero Ciidanka Badda Itoobiya.
Madashan oo lagu marti-qaaday saraakiil ciidan oo dhinac badda ah oo ka kala socday maamullada Puntland iyo Somaliland, iyo sidoo kale dowladaha Yemen, Cumaan iyo Jabuuti, ayaa aad loogu lafa-guray wax lagu sheegay iskaashiga dalalka gobolka ee dhinaca amniga Badda.
Kindu Gezu, wuxuu sheegay in uusan jirin dal keligiis awoodi kara inuu wax ka qabto caqabadaha sii kordhaya ee amniga badda, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay iskaashi dhex mara dalalka deriska ah.
Taliyaha ciidan-ku-sheegga Badda ee Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in kulanku fursad u abuuray Itoobiya inay sii xoojiso xiriirka iyo wadahadallada dalalka gobolka, oo ay ku jirto dadaalka ay ugu jirto helitaanka marin ay badda ku gaarto.
Hadalkan ayaa bannaanka keenaya damaca badeed ee Itoobiya oo in muddo ah ay ku taamaysay sidii ay ku xayuubsan lahayd xeebaha dalalka deriska ah, iyadoo R/Wasaare Abiy Axmed uu si cad u sheegay in xoog ama xeelad mid uun ay ku xaqiijin doonaan himiladooda badeed.
